XASAN AADAN YABAROOW “WIISH” OO SI HEER SARE AH LOOGU SOO DHOWEEYEY LONDON “SAWIRO”

Category: Somali SportsSports News

Waxaa si heer qaran ah loogu soo dhoweeyey Garsooraha FIFA ee caalamiga ah Mr Xasan Aadan Yabroow “Wiish” isagoo socdaal gaaban ku yimid wadanka UK,xafladaan soo dhoweynta oo aan loo kala harin waxaa ka soo qeyb galay bahda isboortiga ee magaalooyinka London,Manchester,Leicester,Birmingham iyo Bristol.

Bahda isboortiga ee UK  oo loo kala harin waxay tacsi u gudbiyeen Mr Aadan  “Wiish” geeridii naxdinta laheyd ee ku timid aabihiisa marxuum Aadan xaaji Yabaroow “Wiish” iyo mas’uuliyiintii  kale ee ku geeriyooday qaraxii ka dhacay golaha murtida iyo madadaalada ee caasimada Somalia Muqdisho.

Xafladan qiimaha leh waxaa soo abaabuley – gudoomiyaha Wiish Sports Academy Mr Daahir Ciise ,Cilmi Daqare iyo Maxamed Deeq oo ah abaabulayaasha macadka isboortiga ee Wiish oo dhowaan looga dhawaaqey magaalada Muqdisho.

.

Casha sharaftaan oo ay ka soo qeyb galeen dad ku dhow 60 qofood waxay isugu jireen maamulka sare ee GOS uu horkacayey gudoomiyaha gudiga olimbikada qaranka Somalia  mudane Duraan Faarax – waxaa kale oo ka soo qeyb galay cayaaryahandii berisamaadka wadanka Somalia,odoyaal isboorti,fanaaniin iyo marti sharaf aad u farabadan oo lagu casuumay maqaayada Capital resturant ee ku taala waqooyiga magaalada London .

Marti sharaftii ka soo qeyb gashay waxaa cid walba fursad loo siiyey in ay  ka hadlaan  wax qabadkii marxuum Aadan Xaaji Yabaroow “Wiish” iyo dakii kale ee dhibaatada  ka soo gaartey masiibadii ka dhacdey Muqdisho.

Isla markaa waxay amaan u soo jeediyeen Xassan Aadan Yabaroow “Wiish” heerka uu ka gaarey dhinaca garsooranimada FIFA iyo  sharafta uu u soo hooyey qaranka Somalia.

Xassan oo ka hadley xafladan wuxuu mahad gaar ah u soo jeediyey bahda isboortiga ee wadanka boqortooyada Britian sida sharafta leh ee loogu soo dhoweeyey,isagoo yiri aabahaey Aadan Xaaji Ybaroow “Wiish” qoyskeyga keliya kama dhiman ee wuxuu ka tegay qoyska isboortiga Somaliyeed” wuxuuna ku  amaaney sida  ay isugu xiran yihiin iyo horumarka ay gaareen.

Dhinaca mediyaha waxaa ka qeyb galey TVga caalamiga ah ee Universal oo uu hogaaminayey madaxa isboortiga Universal TV Mr Abdulqaadir Maxamed Faarax “Biriq”   tafatiraha shabakada Cayaaraha Maxamuud Ismaaciil iyo tafatiraha shabakada SSPAMEDIA  Mr L Roone.

Runtii waxay ahayd habeen aad u sharaf badan iyadoo bahda isboortiga ee UK aan u kala harin soo dhoweynta Xassan “Wiish”

 

Qore: Mr L Roone

Wixii macluumaad ah la soo xiriira: mrsomalia@hotmail.co.uk  info@sspamedia.co.uk

Mar walba commentiga SSPAMEDIA wuu furan yahay

 

 

Livescore