Cayaar aad u xiiso badan ayaa maanta ka dhacdey garoonka ay ka socdaan Zone 5 Basketball tournemnt ee magaalada Daru – salam ee caasimada Tanzania cayaartaa oo ay isku haleeleen qaramada Somalia iyo Kenya ayaa waxaa si xarago leh looga badiyey qaranka Kenya oo lagu dhuftey 81 – 78.
Wiilasha qaranka waxay bilowgiiba ku hormareen 12-4 iyagoo waqti lagu jiray cayaarta ay ku hogaaminayeen dhigooda Kenya 32 iyo 20 taasoo ku tuseysa cayaar wanaaga iyo diyaargarowga ay Somali u gashey in ay guulo ka keenaan cayaarahan muhiimka ah ee ka socda Tanzania.
Xulka Kenya oo hadii loo eego da ahaan aad uga weynaa wiilasha Somalia ayaa qibradii ay lahaayeen waxba ku keeni waayey,iyadoo qaabka loola cayaarey ay aad ula dhaceen daawadayashii soo camiray garoonka ay ka socotay cayaartan xiisaha leh.
Guuashan oo timid xili wadanka Somalia uu galay isbedel weyn oo dhanka isboortiga ah oo ay ugu horeysay doorashadii GOS iyo isbedelkii lagu sameeyey maamulka XSKK iyadoo macalimiinta iyo mas’uuliyiinta kubada kolayga ee Somalia ay isku kaashadeen sidii loo helo lahaa qaran Somalia u meteli kara cayaar walba oo lagu qabto Afrika iyo Carabaha.
Isbedelkan aan ka hadalney wuxuu yimid xiligii loo magacaabey Dr Siciid Farah Dualeh xoghayaha XSKK iyadoo ka hor uu jiray qalalaaso iyo shaqo la,aan dhex tiiley dhamaan xirrirka Somaliyeed ee kubada kolayga.
Dhanka kale Macalin Cumar Abdulqadir Baarajab wuxuu ku soo kordhiyey isbedel aad u weyn isagookaashadey qibrada uu u leeyahay cayaartan wadanka Somalia aad looga jeclaa.
Waxaa kale oo aan la ilaawin karin gudoomiye ku xigeenka mudane Maxamed Xaaji iyo Bashiir FOX oo gacan xoog leh ka geystay in maanta wadanka 4aad ee ugu dhaqaalo badan Afrika ay Somali kaga badiso garoomada Afrika.
Wiilasha metelaya qaranka Somalia oo laga kala keenay qaaradaha kala duwan ee Somalidu ay ku nooshahay ayaa waxay doorteen in ay ku cayaaraan magaca calanka buluuga iyagoo heli karay in ay ka cayaaraan wadamada ay ku dhasheen ama ku koreen ee qurbaha taasina waxay ku tuseysaa jaceylka iyo wadaniyada ku jirta dhalintan oo laga yaabo in aysan Somalia arkin.
Hadaba waxaan leenahay hambalyo sharafta iyo karaamada aad u keenteen wadankiina, iyadoo shaqsi walba oo Somali ah uu maanta ku farxay guushan aad ka keenteen wadanka Tanzania idinkoo ka badiyey KENYA.
Qore: Mr L Roone : la xiriir SSPAMEDIA mrsomalia@hotmail.co.uk
Shabakada SSPAMEDIA waa BLOG oo macnaheedu yahay cidii doonta ayaa qoraal u soo diri karta.



Category:
Comments: 

waan arin aad looga farxo maanta in xulka kubada koleyga soomaliya aay garacaan dhigooda kenya waxaayna kutusineysaa ain soomaliya aad kasonoqoneyso saaxada caalamka gaar ahaan aniga farxad ayay maadaama aanan arag hada kahor xul soomali ah oo sharciyeysan waxaan arajeynaa in aay dadaalkood siilabajibaaraan wax walba oo aay qaban karaan qabtaan illahna ha idingarabgalo aamin