MADAXWEYNAHA HAWIYE – RA’IISAL WASAARAHA DAAROOD AF HAYEENKA BAARLAMAANKA DIGIL IYO MIRIFLE – WAA YAABEE MA WAXAY DOONAYEEN IN OLIMBIKADA SIDAA LOO DOORTO? “SHEEKO XIISE LEH”

Category: Somali SportsSports NewsVideos Comments: One comment

logoSida aan la socono bilowgii  bisha Janaayo waxaa si xaq iyo cadaalad ah uga dhacay doorashadii gudiga Olimbikada qaranka Somaliyeed ee afarta sano  soo socota iyadoo la doortay shaqsi isboortiga Somalia waqti badan ka soo shaqeeyey isla markaana qibrad weyn u leh maamulka  shaqada loo doortey.

Sidii caadada ahayd ee lagu yaqaaney qurba joogta dagaal jeceelka ah waxay isla markiiba eed aad u kulul dusha ka saareen doorashada GOS iyagoo yiri looma dhameyn iyo hal beel ayaa la doortey,hadaba shabakada SSPAMEDIA waxay  halkan ku soo gudbin doonta dadka aan aqoon qaabka loo doorto GOS iyo cida ka qeyb geli karta.

Ugu horeyn GOS ma ahan urur siyaasadeed oo beelo walba in qeyb laga siiyo ay tahay – waa maaamul isboorti oo ay ka qeyb geli karaan maamulkooda cid walba oo Somalia ah taqaana shaqada isla markaana ka soo bixi karta – hadii dhamaan maamulka GOS laga soo xulo mid ka mid ah magaalooyinka Hargeysa – Baydhaba – Garoow – Kismaayo – Muqdisho ama Beled xaawo, waa la sameyn karaa mar walba waxay ku xiran tahay TALENT iyo shaqsiyo shaqadii iyo halgankii isboortiga soo waday isla markaana ka bixi kara.

Laakiin umadaan shaatiyada ay u cad yihiin isla markaana qurba joogta ah waxaa ku dhacdey “ALLOW SAHAL LIBAAX SEEXDAY BAY NIMAN SALAAXEENE” wax ay ka ogyihiin ma leh qaabka isboortiga Somalia loo maamulo isla markaana laysu soo xulo – hadii aad dooneysid in aad ka qeyb gashid doorashada xorta ah ee GOS waa in aad ka mid tahay mid ka mid ah xiriirada hoos yimaada GOS isla markaana xiriirkaa uu ku soo xulo – laakiin sheekada hadii la moodey madaxweynuhu waa in uu HAWIYE YAHAY – RA’IISAL WASAARAHA DAAROOD – AFHAYEENKA BAARLAMAANKA DIGI IYO MIRIFLE” sheekadaas  waa dhanka siyaasada –  kan waa isboorti, Somalida qurba joogta ee isboorti isku sheegaha ah waa in ay ogaadaan farqiga u dhexeeya ISBOORTI  iyo SIYAASAD.

Mar aan qadka telefoonka kula xiriirey maamulka cusub ee loo doortay GOS oo aan wax ka weydiiyey waxay u arkeen qalalaasahan ay dad isboorti isku sheeg ah  qurbaha ka wadaan, runtii wey igu qosleen iyagoo iigu maahmaahey  “DAMEER AAD SAARANTAHAY DHUUSTIISA XEY KAA TAREE” iyagoo ku sii daray waa rag aan shaqo ka dhicin oo isku maaweeliya sidii ay uga maamuli lahaayeen isboortiga Somalia iyagoo Yurub iyo Amerika ku marqaansan.

Shabakada SSPAMEDIA waxay aaminsantahay in maamulka isboortiga loo dhiibo cidii taqaana shaqada isla markaana ka soo bixi karta xitaa hadii dhamaantood ay ilma adeero ay yihiin,waxaa wax laga xishooda ah in meel la soo maro inta la waayey maanta goboladii iyo qabaa’ilaadkii marmarsiyo laga dhigtey.

Xamar taga ka qeyb gala dib u dhiska isboortiga Somalia,halkeed joogteen 20 sano ee ugu dambeysay  xiligii xabada wiiftada ah dadka ay dhergeha ka jebisay? isboorti in uu maamulo waxaa xaq u leh muwaadan kasta oo Somali ah – isla markaana u taagan har iyo habeen sidii Somalia sharafteedii iyo karaamadeeda loo soo celin lahaa.

Cid iska indha tireysa ma leh GOS in ay ku dhex jiraan shaqsiyo aan si daacad ah u shaqeyn laakiin “BUN HADII LA WAAYO BEDELKIISA LA HELAA” meesha ma taalo maanta cid ragaan la doortay dhaama ama shaqooyinkii ay soo qabteen qaban kara wey yer yihiin,laakiin asxbaata ku dhaca wax qabad la,aantooda ee ka daaya qabiilka aad ku daba wadaan ileen meel aad soo martaan ayaad la’dihiine.

Hadee sheekada hadii wax laga bedelo oo qaabka LIBNAAN iyo SOMALIA siyaasadooda loo maamulo aan dooneyno aan isla fadhiisano isla markaana ka wada hadalno,hadii kale ilaah baa deeqda bixiyee la shaqeeya ragaan la doortay si beri loola xisaabtamo,hadii aad ka hortimaadaan waxaad  tihiin ereygii uu yiri mid ka mid maamulka GOS ee la soo doortey oo ah “IRRELEVANT” hal marna hadii aad noqotid  “IRRELAVANT” ama waxaan jirin waxaa laguugu xisaabayaa qof laba miirle ah,taasoo isboortiga Somalia ay ku soo badanayaan.

Ugu dambeyntii waxaan hubaa in  asxaabta qurba joogta intooda badan ay taageeroo hiil iyo hooba ay u hayaan gudiga Olombikada qaranka Somaliyeed iyo maamulkiisa cusub,kuwa yer ee ka soo horjeedana ay soo xero geli doonaan ilaah haduu yiraahdo.

 

Qore: Mr L Roone :  la xiriir  SSPAMEDIA   mrsomalia@hotmail.co.uk

Shabakada SSPAMEDIA waa BLOG oo macnaheedu yahay cidii doonta ayaa qoraal u soo diri karta.

 

One comment to MADAXWEYNAHA HAWIYE – RA’IISAL WASAARAHA DAAROOD AF HAYEENKA BAARLAMAANKA DIGIL IYO MIRIFLE – WAA YAABEE MA WAXAY DOONAYEEN IN OLIMBIKADA SIDAA LOO DOORTO? “SHEEKO XIISE LEH”

  • muuse cosoble afrax  says:

    asc akhay yarta wan idinsalamaya all somalia wan idinsalamaya war ilaahkabaqe somaliyey miyadan ilaahkacabsanen man iskadeyna qabiil waxmataraya malaga shaqeya midnimada somaliayed waxan huba hadi somalia melwalba jokta qofwalba somaliawanak uhaya hadilatagera inan horumargarena waxan dawaday zambabi iyo itobiya wad arkesin dadka diriskena herka eemarayan sporty iyo siyasadba man gacmaha isqabsana oo kashaqena midnimada somaliayed hadiladadala wax uunba nosobaxaya aan udadalna qaranka somaliayed burburay sidilagusocelilaha ee sporty iyo siyasadba ingacmaha isqabsana anigawaxan ahay dhalinyarta somaliayed ee an nasibka uyelan iney arkan somalia oo dowlad xoraleh marka aandadalna waxana diyar u ahay inan intikarankeyga ah kashaqeya midnimada somaliayed iyowanaga ilah umadena qalbigeda ha iskuso hanuniya viv somalia melwalbojoktan ilahdarti ayan idinjecly asc

Leave a reply

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Livescore